Sign in to follow this  
Deeq A.

4 qodob oo mira dhal ka dhigaya Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Imaaraatka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalka Imaaraatka ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama uu ku soo beegmayo xilli Soomaaliya ay wajahayso dagaal ka dhanka ah Alshabaab, fara gelin shisheeye iyo cadaadis ku aaddan go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay arimaha khilaafka Khaliijka.

Dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu hordhigayo dhiggiisa Khaliifa Binu Saayid, arrimaha iskaashiga labada dal, cabashooyinka Soomaaliya ay ka qabto dowladda Imaaraatka iyo kaalinta la rabay in ay ka qaataan dib u soo kabashada dalka.

Hadaba, Caasimadda Online waxay ka xog waraysatay dad khubara ah qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in ay labada dal ka wada hadlaan.

  1. Arrimaha Soomaaliya in lagala xaajoodo Dowladda Dhexe

Bilihii la soo dhaafay dowladda Imaaraatka waxa ay qaabishay madaxda Maamul Gobeleedyada taas oo ay si wayn uga biya diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ugu dambayntiina Madaxda Imaaraatku ay ka garwaaqsadeen arrinkan fahmeenna in furaha kaliya ee Soomaaliya uu yahay Dowladda dhexe taas oo horseedday in ay haatan diyaar u noqdaan in arrimaha Dalka lagala xaajoodo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  1. In Soomaaliya lagu tixgaliyo go’aanka dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay arrimaha Khilaafka Khaliijka.

Waxaa cadaadis muuqda lagu saaray dowladda go’aankaas iyadoona  Dowladda Imaartku ay arrinkaas gundhig u ahayd.

Cadaadiska waxaa ka mid ahaa taageerada ay u sameeyeen Madaxda Maamul Goboleedyada dowladda Imaaraatka iyaga oo soo saaray qoraallo ay ku taageeraayan go’aanka Xulafada Imaaraatka iyo Sucuudiga.

Waana markii ugu horreysay oo Madaxda Maamul Gobeleedyada ay isku dayaan in ay ka hor yimaadaan Siyaasadda Arrimaha Dibadda taas oo noqotay arrin ugub ku ah hannaanka siyaasadeed ee dalka la iskuna waafaqay in arrinkan uu ka soo horjeedo dastuurka dalka.

  1. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka.

Saraakiil ka socota hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa safarkan Madaxweynaha ku wehelinaya taas oo ka dhigan in madaxweynuhu uu soo bandhiggayo Imaaraatka in ay u fududeeyaan ganacsatada Soomaaliya hawlaha la xiriira socdaalka maadama dalkaasi uu yahay suuqa ugu weyn ee ay ku xiranyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

  1. In Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynaaya in uu ku soo qanciyo hoggaanka dalka Imaaraatka sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyadoo lagala hadli doono qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xogga Dalka.

Khubadara falaanqeeya Siyasaadda Dibadda iyo kuwa amniga ayaa isku raacsan in heshiis laga gaaro qodobadan ay ahmiyad gaar ah u leedahay dagaalka Alshabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this