Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Hay’adda maamul wanaagga Puntland oo kulan wada tashi ah u qabatay bulshada rayidka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland iyo xafiiska UNSOM Garowe ayaa si wada jir ah ugu qabtay bulshada rayidka ah kulan wada tashi ah, kaas oo diiradda lagu saarayey sidii la isaga kaashan lahaa baahinta maamul wanaagga iyo ka hortagga la dagaalanka musuqmaasuqa.

Kulanka oo  xoojinayey  wadashaqaynta dowladda iyo bulshada rayidka ah  oo loo baahan yahay in ay bulshadu ay doorkeeda qaadato siiba dhanka wacyi galinta maamul wanaagga, ka hortagista musuqmaasuqa iyo in la soo saaro bulsho bisil oo  horusocod ah.

kulankan ayaa si qoto dheer waxaa  loogu lafa guray fahamka maamul wanaagga la doonaayo in uu Puntland ka taabba galo ilaa heer tuulo, heerka la joogo iyo qorshayaasho musutaqbalka dhow lagu taamayo.

kulankan oo ka dhacay xarunta nabadda, Horumarinta iyo cilmi baarista PDRC ee caasumadda Garoowe ayaa furitaankii waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Astaynta  maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye wuxuuna ka warbixiyey  waxyaabihii u qabsoomay ha’adda ilaa hadda , halka ay joogto iyo qorshaheeda dhow,  isagoo xusay in ay dhawaan soo saari doonaan saddex dokominti oo dhaxal gal ah kuwaas oo looga golleeyay in la helo maamul wanaag dhidibbo adag ku taagan; dokumentigaas oo kala ah

Axdiga adeegga dadweynaha, (Service delevery charter), Nidaamka Maaraynta cabshooyinka dadweynaha  iyo Anshaxa iyo shaqo hufnaanta howl wadeennada,The Ethics of code of conduct for the Public services.

Agaasimaha Hay’adda Astaynta  maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland  ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay u gudbi doonaan dokumentigaas golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland si loo ansixiyo una  dhaqan galo.

dhanka kale agaasime Guureeye wuxuu xusay in bisha Dicember ee  soo socota ay qaban doonaan shirweyne ballaaran oo socon doona laba maalmood oo lagu lafa gurayo Maamul wanaagga iyo in si wada jir ah loo wajaho yaraynta iyo ka hortagga musuqmaasuqa.

Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay oo taagero iyo dhiira galin u mujiyey madaxa Labada aqal ee UNSOM iyo UNDP kuna amaanay hay’adda Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa howlaha baaxadda leh ee ay wadda iyo siday uga go’an tahay in ay door weyn ka qaadanayso reforms ay dowladda Puntland waddo, Sidoo kale waxaa kulankaas haddalo kooban iyo dhiira galin ka jeediyey, Guddoomiyaha Guddiga ku meel gaarka ee doorashooyinka Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye qoorad, Madaxa  difaaca xuquuqda aadanaha dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Cali,  dhanka kale waxaa taooyin dhaxal gal  soo jeediyey aqoon yahanno iyo in dheer garad ka socda bulshada rayid ah, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay doorkooda wadaninimo ay ka qaadanayaan qorshaha dowladdu waddo ee maamul wanaajinta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Maamul wanaagga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa Puntland ayaa in dhawaale waday kulamo iyo tababar bixin joogta ah oo ay howlaha ay waddo si siman ula wadaagaysay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xusud mudan in todobaadkii tagay ay tababar ku qabatay xarunta maxkamadda sare ee Garowe si looga  xoojiyo bahda garsoorka dhanka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

kulankan oo ahaa mid qiimo badan leh ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan kaas lagu wado in uu horseedo bog cusub oo iskaashi dhinacyo badan yeesha mustaqbalka dhow.

1-17.jpg?resize=600%2C4002-16.jpg?resize=600%2C4003-14.jpg?resize=600%2C4004-14.jpg?resize=600%2C4005-6.jpg?resize=600%2C400

PUNTLAND POST

The post Garowe: Hay’adda maamul wanaagga Puntland oo kulan wada tashi ah u qabatay bulshada rayidka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this