Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntlad Iyo Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe .

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda dalka China ay kawadaan Puntland, samaynta xidhiidh dhaw ay yeeshaan Puntland iyo dalka China iyo guud ahaan Soomaaliya, horumarka ay dawladda Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka China ee Soomaaliya ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalka China u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul,  waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar,  isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland.

Dhinaca kale, Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland tahay dawladd horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysay horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee China inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xidhiidh dhaxalgal ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka China loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta Puntland iyo China, si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xidhiidhka labada dhinac.

Dhinaca kale Danjiraha dalka China ayaa booqaday Wasaaraddaha Maaliyadda, Degaanka iyo Xafiiska Hay’addaha Macdanta iyo shidaalka dawladda Puntland, waxaana uu kulamo la qaatay masuuliyiinta wasaaraddahaasi iyo  Xafiiska Hay’adda Macdanta iyo shidaalka dawladda Puntland oo uu kula kulmay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida, waxaana garoonka diyaaradaha Konaako ee magaalada Garoowe kusii sageetoyey danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo weftigiisaba saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

1-16.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9621.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9643.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9658.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9676.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9764.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9806.jpg?resize=1000%2C719 IMG_9820.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9832.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9851.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9854.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9884.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9902.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9916.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9927.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9944.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9960.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9966.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9970.jpg?resize=1000%2C757 IMG_9978.jpg?resize=1000%2C667

 

 

 

The post Madaxweynaha Puntlad Iyo Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this