Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe oo lagu qabtey barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is-arag.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Garowe lagu qabtey kulanka 1aad barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is arag oo uu hindisay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Keynaan Cabdi Jaamac,
Wuxuuna sheegay inay tahay sababta loo asaasay barnaamijkan sidii isbedel loogu samayn lahaa bulshada, Iyadoo diiradda la saarayo dhalinyarada, loona marayo casharro iyo kulan cilmiyeedyo ku dhisan Aqoon, si loo helo bulsho u dhisan maskax ahaan kana madax bannaan waxyaabaha dalkeena ragaadshay ee aqoon yarida iyo qabyaaladdu ugu horayso, iyadoo kor loo qaadayo hab-fikirka aqooneed ee bulshada.

Kulanka 1aad ee barnaamijkan oo lagu falanqaynayay “Doorka dhalinyarada iyo Hoggaaminta” waxaa soo jeedinayay Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub), waxaana lagu qabtay Jaamacada PSU ee magaalada Garowe, waxaana kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada dawlada Puntland Dr, Maxamed Cali Faarax, Suldaan/Shiikh Cabdiqani Qorane, Agaasimaha daladda dhalinyarada Puntland Subeyr Cumar Cali, Ardayda Jaamacaddaha maagalada Garowe iyo qaar kamida qaybaha kala duwan ee bulshada.

Keynaan Cabdi Jaamac wuxuu sheegay in barnaamijkan la joogteyn doono, islamarkaana labadii biloodba hal mar la qaban doono.

Daawo Sawiradda.

FB_IMG_1511010842297.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010845042.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010847741.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010850278.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010852917.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010856237.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010871249.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010873817.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010876613.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010879059.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010882126.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010885172.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010888307.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010890812.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010894072.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010896653.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010900776.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010903030.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010905632.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010908929.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010912306.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010920904.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010926676.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010929022.jpg?resize=552%2C31FB_IMG_1511010931451.jpg?resize=552%2C31Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

 

The post Garowe oo lagu qabtey barnaamij loogu magac darey Aqoon iyo Is-arag. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this