Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Cirro “Ciidamada Waxaan Leeyahay u Tura Shacabkiina”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee Somaliland C/raxmaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada ammaanka looga baahan yahay iney shacabka u turaan oo aanay u adeegsan rasaasta nool.

Wuxuu tilmaamay guddoomiye Cirro inuu aad uga xun yahay dhibkii soo gaaray dadka shacabka ah ee muujinayey dareenkooda ah sida ay uga xun yihiin ku shubashada doorashada ee la sheegay inuu sameeyay xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale musharrax madaxweyne C/raxmaan Cirro ayaa tilmaamay in wadahadal u furmay iyaga iyo guddiga doorashada Somaliland, taasi oo ku aadan cabashada uu qabo xisbigooda.

“Ciidamada ammaanka waxaan leeyahay u turra shacabkiina oo ka daaya rasaasta nool ee aad u adeegsateen, intii dhimatay Allaha u naxariisto, aad baan uga xunnahay wixii dhacay, waxaan taageerayaasha xisbiga Wadani u sheegeynaa in wadahadal aanu la furni guddiga doorashada oo aynu kala hadleyno tabashada aan qabno” ayuu yiri guddoomiye Cirro.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa laga sugayaa inuu shaaciyo natiijada doorashadii 13-kii bishan ka dhacday deegaannada Somaliland.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this