Deeq A. Posted November 17, 2017 Hal ruux ayaa geeriyooday lix kalena way dhaacwmay kaddib markii rabshado dhex maray dad shacab ah iyo ciidanka boolisku ay ka dhaceen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer – sida waxaa Goobjoog News u sheegay agaasimaha cisbitaalka Burco Cabdikariim Hayaan Muxumed. Dad dhaawaca ah ayaa waxa ku jira laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland. Qofka geeriyooday ayuu sheegay agaasimuhu in uu dhaawac dhintay halka lixda ruux ee dhaawaca ah laba kamid ah ay yihiin askar. Xaaladda dadka dhaawacyada ah ayaa ah mid hadda ladan isla markaana waxa deggan guud ahaan xaaladda magaalada Burco – sida uu sheegay agaasime Cabdikariim Hayaan Muxumed Rabshadaha ayaa dhacaya kadib markii doorashadii Isniintii la sheegay in lagu shubtay, Xisbiga Mucaaradka Waddani ayaa ka mid aha asxaabta sheegtay in aaney aqoonsan-doonin natiijo xaaraan ah iyaga oo sidoo kale joojiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay guddiga doorashada. Shirkadda Imaaraadka laga leeyahaya ee daabacday warqadaha doorashada ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha la eedeeyay. Wararka Doorashada Somaliland, Kala Soco, Goobjoog News Source Quote Share this post Link to post Share on other sites