Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Suudaan ka baxay tartanka Kubadda Cagta Cecafa Senior Challenge Cup

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ka baxay tartanka Koobka Kubadda cagta ee Cecafa Senior Challenge Cup ee ay ku tartamayaan xulalka Qaramada Bariga iyo bartamaha Afrika,kaasoo ay sannadkaan 2017 marti-gelinayso Kenya.

Qaban-qaabiyaasha ayaa sidoo kale Maanta magaalada Nairobi ka shaaciyey in koobkan uu ka qayb geli doono xulka Waddanka Zimbabwe,inkastoo ay jirto xasarad siyaasadeed oo ka aloosan dalkaasi.

Xoghayaha Guud ee Cecafa, Nicholas Musonye ayaa sheegay in 10-ka kooxood ee soo hartay, ay ku jiraan laba kooxood oo leh labada xul ee ugu sareeya ee isreebreebka u soo baxay semi-finalka.

Musonye ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka baxday tartanka koobkaan,maadaama buu yiri “ay dib u habayn ku samaynayso xulkeeda qaran“. Suudaan ayaa iyaduna tartankaan uga baxday  arrimo ku saabsan doorashada xiriirka Kubadda Cagta ee dalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Suudaan ka baxay tartanka Kubadda Cagta Cecafa Senior Challenge Cup appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this