Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo bilaabaysa qabyo-qoraalka xeerka carruurta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Somalia iyo hay’adda UNICEF ayaa khamiistii Maanta daah-furay qabyo qoraalka xeerka xuquuqda carrruurta,taasoo qayb ka ah dadaalka lagu xoojinayo xuquuqda carruurta Somalia.

Xeerkaan xuquuqda carruurta,markii la ansixiyo wuxuu noqon doonaa as-aaska horumarinta iyo ilaalinta dhammaan xuquuqda carruurta ee dalka,kadib markii Somalia ay saxiixday heshiiska xuquuqda carruurta bishii October ee sannadkii 2015.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Somalia Deeqa Yaasiin Hagi Yuusuf iyo agaasimaha qaybta Bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda UNICEF,Leila Pakkala oo caasimadda Muqdisho ka daah-furay xeerkan,ayaa sheegay in tallaabadan muujinayso sida adag ee ay wasaaraddu u rumaysantahay in ay xaqiijin doonto mustaqbalka wanaagsan ee carruurta Somaliyeed.

“Daah-furka hannaanka qabyo-qoraalka xeerka carruurta ee Maanta ayaa muujinaya sida ay xukuumadda Somalia uga go’antahay xaqiijinta in qodobadii heshiiskii CRC ay noqdaan kuwa dhab ka ah Somalia”,yey tiri Wasiir Deeqo.

Wasaaradda Haweenka Somalia ayaa la shaqeysa hay’adda UNICEF iyo ururada bulshada rayidka ah ee ku hawlan qabyo-qoraalka xeerka carruurta Somalia,waxayna raadinaysa in si ballaaran shacabku uga qayb qaato arrintaas.

Pakkala ayaa sheegay in ilma kastoo Somali ah uu leeyahay xaqa ay leeyihiin dhammaan carruurta caalamka.

“Waxaan ku kalsoonahay in xeerka xuquuqda carruurta uu as-aas sharci ah siin doono si loo taabbo-geliyo ilaalinta dhammaan xuquuqda carruurta Somalia”,ayuu raaciyey Pakkala.

 

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

 

The post Somalia oo bilaabaysa qabyo-qoraalka xeerka carruurta. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this