Deeq A. Posted November 16, 2017 Hargeysa ( Sh.M.Network)-Xisbiga Wadani oo ka tirsan Axsaabta Siyaasadeed ee ka qeyb galay doorashadii 13-kii Bishaan ka dhacday deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa ka cabanaya hanaanka uu u tirinayo Guddiga doorashada Madaxweyne ee Maamulkaasi Codadkii dadweynuhu dhiibteen. Masuuliyiinta Xisbiga Wadani oo maanta shir Jara’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyay Cabashada uu ka qabo doorashada Xisbigooda. Xuseen Axmed Ceydiid oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ayaa sheegay in cabashadooda oo la xiriirta wax isdaba marin ku aadan codadka doorashada ay u gudbiyeen guddiga doorashada Madaxweyne ee Soomaaliland laakin iyadoo aan wax laga qaban cabashadooda uu guddugu iska sii wato hooshiisa. Maamulka Soomaaliland ayaa dhawaan waxaa lagu qabtay doorasho Madaxweyne oo codkooda ay ka dhiibteen shacabka Maamulkaas iyadoona isha lagu wada hayo doorashadaasi marka loo eego Beesha Caalamka iyo Soomaaliya guud ahaan. Source: shabelle Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites