Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo Ka qarxay Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa Goordhaweyd waxaa ka Qarxay dagaal U dhexeeya Maleeshiyaadka Maamulka Somaliland iyo Shacab Gadoodsan oo Hubaysan kana soo jeeda Dhanka Cabdiraxmaan Cirro. Rabshadan Ayaa timid Ka Gadaal markii Galinkii Danbe maanta Ay ku Dhawaaqen Saraakiil kamid ah Wadani in Aanay Rajo Ka qabin Doorashada Maamulkaasi Islamarkaana musuq maasuq iyo Isdaba barin La galiyay. Shacab Aad u faro badan aya isugu soo baxay Siirooga Burco kuwaaso Ku Dhawaaqaya Guusha yaa leh Ciraa leh Badaluu Kulmiye iyo Ereyo lamid ah. Intaasi wixii ka danbeeyay waxaa Goobta yimid Ciidan kamid ah Kuwa maamulka Somaliland Kuwaaso rasaas ku Afrogay shacabkaasi waxayna xaaladu isku badashay in Shacabku Gubaan Kaalmo Shidaal Oo badan islamarkaana qaar kood Hub la soo baxan. 15 Daqiiqo kadibna waxa is Qabsaday dhawaaqa rasaasta kala duwan gudaha Burco oo ilaa hada Ka socota lamana Garan Karo inta uu leeg yahay khasaaraha Jira. Dhinaca kale waxaa adag Dhaqdhaqaaqa Isgaadhsiinta oo mashquul Badani Galay Gobolada Burco iyo Hargeisa

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nabad waxay gasho nin aan haysan yaa ka warami kara.

 

Waxa laysu dooranayayba soo nabad ma'ahayn?

 

Allaha sahlo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this