Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Safiirka China Ee Soomaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 16 Nov 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo  danjiraha dalka Chine u fadhiga Soomaaliya Mr. Qin Jian.

Kahor kulanka Madaxweynaha iyo safiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo safiirka dalka chine ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyo Puntland gaar aahan mashariicda waaweyn ee hadda dalka ka socda , adkaynta xidhiidhka  Puntland iyo dalka Chine iyo iskaa shiga labada dhinac ee arrima ganacsiga, waxbarashada iyo  caafimaadka.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn safiirka iyo weftigiisaba ku soo dhoweeyey Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in xidhiidhka ka dhexeya dalka Chine iyo Puntland uu yahay mid wanaagsan oo soo jireena, taasna ay tusaale u tahay mashaariicda horumarineed ee dalka Chine ka fuliyey gudaha Puntland iyo kuwa hadda kasocdaba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo xoojinta xidhiihka ee ka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in arrimaha iskashiga  Puntland iyo dalka China ee ganacsiga, waxbarashada iyo  caafimaadka ay yihiin kuwo buldhig u ah wada shaqaynta dhow ee ka dhexysa Puntland iyo dalka Chine, isla mar’ahaantaana ay dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta, wanaajinta  iyo dardargelinta arrimahasi iskaashi.

Dhinaca kale danjire Mr. Qin Jian ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda adkaynta xidhiidhka  wanaagsan ah ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Chine iyo sidoo kale dardar gelinta iskaasiha labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, waxbarashada iyo caafimaadka , waxaana uu sidoo kale xusay  Safiirku inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Garoowe iyo guud ahaan gudaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marlabaad kusoo dhoweeyey Safiirka iyo weftigiisaba dawladda Puntland, isagoona Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in Puntland iyo shacabkeeduba diyaar u yihiin waxkasta oo wanaajinaya horumarinta ganacsiga iyo kabayaasha dhaqaalaha ee ka dhexeeya dawladdaha Puntladn iyo China.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.IMG_9572.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9591.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9603.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9631.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9644.jpg?resize=1000%2C616 IMG_9653.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9669.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9702.jpg?resize=1000%2C667 IMG_9709.jpg?resize=1000%2C667

The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Safiirka China Ee Soomaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this