Sign in to follow this  
Deeq A.

Boko Haram oo dalka Nigeria ku dishay in ka badan labaatan kun oo ruux.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhimatay,soddon kalena waa ku dhaawacantay qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Maiduguri ee Waqooyi bari Nigeria,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wakaaladda gargaarka deg degga ah ee dalkaasi.

Ururka Boko Haram ee xagjirka ah, ayaa dilay in ka badan 20,000(labaatan kun) oo ruux,tan iyo sannadkii 2009,taasoo qayb ka ah isku dayga ay ku raadinayaan in ay dowlad islami ah ka sameeyaan jiinka harada Chad.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan u dambeeyey oo saraakiisha waaxda gurmadka deg degga ah iyo xubnaha dowladdu ay sheegeen in ay fuliyeen afar haween ah oo qaraxyo isku soo xiray,islamarkaana ka dhacay Muna Garage oo ka tirsan Maiduguri.

Haweenka is-qarxiya,waa astaan lagu yaqaan weerarada ay qaaddo Boko Haram.

“Waxaan ilaa hadda diiwaan-gelinay dhimashada toban ruux iyo dhaawaca soddon kale”,sidaasi waxaa yiri af-hayeenka Wakaaladda gurmadka deg degga h ee dowladda, Bello Dambatta.

Maiduguri waa caasimadda gobolka Borno,waana magaalada dhibka ugu xumi ka soo gaaray dagaalka ay wadaan fallaagada jihaadiyiinta. Ugu yaraan 221 qof ayaa ku dhintay qaraxyada iyo weerarada waqooyiga dalka Nigeria,tan iyo bishii June ee sannadkan,sida ay xustay Reuters.

Xigasho/Reuters

PUNTLANDPOST

The post Boko Haram oo dalka Nigeria ku dishay in ka badan labaatan kun oo ruux. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this