Deeq A. Posted November 15, 2017 Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte ayaa xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay sida geed qalllalay oo caleentiisu dhulka ku hoobanayso,kadib markii ay is-casileen labo Wasiir oo muhiim ah. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xukuumadda Soomaliya ay lamid tah geed bolol ah oo sii dhimanaya,islamarkaana aan nuxur iyo neecaw midna lahayn. “Caleemaha geedku marka ay qallalaan(engagaan) way hoobtaan. Geedkii oo aan nuxur &neecaw toona laheyn ayaa bolola,ka hor intuusan dhiman,kaddibna qambobin. Kolkaas ayaa qashinkiisa la iska xaaqaan #Somalia“, ayuu yiri Cayne. Hadalka Caynte ayaa ku soo beegmay xilli ay maanta is-casishay Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed, iyadoo sheegtay in ay ku adkaatay duruufta shaqado ee Wasaaradda oo ay ku tilmaantay “mid isku-qasan oo is-barbaryaac ah”. Wasiirkii Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxmmed ayaa sidoo kale is-casilay 12 bishii hore ee October, kadib markii uu soo baxay fashil ku aaddan dagaalka xukuumadda Soomaaliya ee dalka looga saarayo Al-shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey shirkii madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka adkaan waayeen Al-shabaab,islamarkaana raadinayaan qorshe kale. Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud. Bishii June ee sannadkaan ayaa madaxweyne farmaajo u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka UK, inkastoo uu durbadiiba iska casilay. Puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites