Deeq A. Posted November 15, 2017 Waxaa Goordhow is Casishay Wasiirka Gargaar iyo Maareeynka iyo Musiibooyinka Xuukumada Federaalka Soomaaliya Drs Maryan Qaasim. Wasiirka oo Goordhow la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay isaga tagtay xilkii ay ka heeysay Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Qoraal Kooban oo Ay Soo Dhigtay Twitterkeeda ayeey ku Sheegtay in ay iska Casishay xilkaasi Sababo iyada u gaar ah. Lama Oga sababta rasmiga ah oo ay isku casishay Wasiiirkii Gar Gaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xukuumada Soomaaliya. Marwo Maryan Qaasim ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumada Dalka Soo martay waxaana xusid mudan in Wasaarada ay iska casishay ay aheyd mid ku cusub dalka. Horay waxaa isku Casilay Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Soomaaliya oo is Casishay. appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites