Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’isilwasaare Kheyre oo ku Wajahan Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isilwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ku wajahan Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

Amaanka guud ee Magaalada Baraawe ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi sugaya amaanka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

ujeedada Ra’isilwasaare Kheyre uu Baraawe u tagayo ayaa ah sidii u soo indha indheeyn lahaa xaaladaha halkaasi ka jira.

Magaalada Baraawe ayaa ah Magaalo Xeebeed dhacd Gobolka Sh/Hoose waxaana ay ku Magacaabtahay Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed inkastoo aanay Maamulka ku Shaqeeynin.

Dhowr Sano ka hor ayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM Al-Shabaab ka saareeyn magaalada Baraawe oo ah magaalo istiraatiiji ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Ra’isilwasaare Kheyre oo ku Wajahan Baraawe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this