Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Hub casri ah oo ay dowlada Iran ay u waday al-Shabaab oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa baahiyay in gacanta lagu dhigay markab nooca yaryar oo laga leeyahay dalka Iran kuwaa oo siday Hub sharci darro ah oo la doonaayay in loosoo talaabiyo Somalia.

Markabkan ayaa lagu qabtay meel ka baxsan Badweynta Hindia ee xeebaha Somalia, waxaana la xaqiijiyay in Hubka saarnaa noociisa uu ahaa qoryaha boobayaasha ee lagu farsameeyo dalka waqooyiga Kuurya.

Hubkan ayey Iran kasoo iibsatay dalka waqooyiga Kuurya, waxa uuna qorshihiisu ahaa in leysugu dhiibo Umadda Soomaaliyeed, inkastoo wargeysyada qaar ay qorayaan inay u socdeen maleeshiyaadka al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Iran.

Markabka Hubka siday ayaa waxaa gacanta ku dhigay markab dagaal oo laga leeyahay dalka Faransiiska, waxaana la xaqiijiyay inay la socdeen Shaqaale tirro yar oo kasoo jeeda dalka Iran.

Saraakiisha saaran Markabka dagaal ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa Hubka ku tilmaamay inuu yahay isku day ay Iran ku dooneyso inay ku hubeyso maleeshiyaadka al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia iyo Kenya.

Qoryaha la qabtay oo nuuciisu yahay The Type 73, ayaa lagu farsameeyay dalka waqooyiga Kuurya, waxaana dowladda Iran hubkaasi laga iibiyey sannadihii 1970-kii ilaa 1980-kii oo ay milliteriga Iran dagaal kula jireen ciidanka Ciraaq.

Khubarada Hay’adda QM u qaabilsan la socodka Hubka Somalia iyo Eritrea, ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM, ku sheegay in Markabka uu ahaa mid laga leeyahay Iran, isla markaana lagu qabtay Hub sharci darro ah oo loo siday argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Khubarada ayaa warbixintooda ku sheegay in Hubka saarnaa Markabka ay kamid ahaayen 6 qoray nooca boobaha iyo noocyo kale oo hub ah.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Shixnadaha Hubka ee laga soo daabulo Dekedaha Yemen iyo Iiraan sida qarsoodi ah loogu soo daabulo Dekedaha ku yaalla W/bari ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, amni darida ka taagan Somalia ayaa waxaa horbooda dalalka aadka uga careysan Kheyraadka uu alle ku maneystay Badda iyo Barriga Somalia oo la doonaayo in looga dhex faa’iideyso qalalaasaha amni.

2-5.jpg?resize=640%2C3604.png?resize=642%2C3265-2.jpg?resize=317%2C1596.jpg?resize=684%2C276Hub-1-1.jpg?resize=696%2C522Hub-2-1.jpg?resize=696%2C464Hub-3-1.jpg?resize=696%2C546

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this