Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland is accused of giving a fishing license to a Thai company for $700,000

Recommended Posts

Deeq A.   

Related image

 

Warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka QM ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea  ayaa lagu sheegay in mamulka Puntland ay kheyraadka Soomaaliya ku iiibiyeen lacag dhan 700,000 oo dollar. Warbixinta kooxda UN Monitoring Group ayaa shaaca ka qaaday in daba yaaqadii bishii Febraayo ee sanadkan ay dowladda Puntland ruqsad u siisay Markab laga leeyahay dalka Thailand balse sita calanka Jabuuti inuu saddex bil gurto kheyraadka badda Soomaaliya, taa beddelkeeda uu bixiyo lacag dhan 700,000 oo dollar.

 

Tallaabdan ayaa jebisay sharciga kalluumeysiga Soomaaliya (2014) oo diidaya in laga kalluumaysto wax xeebta Soomaaliya u jira 24 meyl badeed, sidoo kalena mamnuucayey maraakiibta waa weyn ee badda xaalufiya. Barnaamijka cunnada iyo beeraha QM ee FAO ayaa sheegay in markabka ay Puntland siisay shatiga uu ka kallumeysanayey meel 6 meyl badeed kaliya u jirta xeebaha Soomaaliya. Bishii March ayaa wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya waxay warqad u dirtay midda Puntland ayada oo diidan shatiga la siiyey markabka MV Chotchainavee, hase yeeshee looma hoggaansamin amarkaas.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale warqad ay u dirtay dowladda Thailand kaga codsatay inay joojiso kallumeysiga xeebaha Soomaaliya, hase yeeshee ma cadda haddii ay taasi dhacday.

 

Source: caasimadda.net

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this