Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland waxaa ka socota tirinta codadkii doorashada madaxtinimo ee shalay dhacday taas oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Markii codbixintu billaabatay waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, Twitter iyo Whats App, waxaana xayiraadaas fuliyay  shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland, iyadoo hay’adda xuquuqda Aadanaha ay cambaareysay talaabadaas kuna sheegtay in war helida in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta la hadlaan Warbaahinta, iyagoo ka warbixin doona  ilaa hadda inta santuuq ee tirintoodu soo gaartay iyo arrimo kale oo la xiriira Doorashada.

Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa horey u sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada oo lagu dhawaaqo.

Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dheg taagaya natiija iyo cidda madaxweynaha u noqonaysa shanta sano ee soo socota.

Warar hordhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan inay aad isugu dhowyihiin codadka labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.

PUNTLAND POST

Hargeysa

The post Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this