Deeq A. Posted November 14, 2017 Somaliland waxaa ka socota tirinta codadkii doorashada madaxtinimo ee shalay dhacday taas oo ay ku tartamayaan saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid. Markii codbixintu billaabatay waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, Twitter iyo Whats App, waxaana xayiraadaas fuliyay shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland, iyadoo hay’adda xuquuqda Aadanaha ay cambaareysay talaabadaas kuna sheegtay in war helida in ay muhiim u tahay doorasho xor iyo xalaal ah. Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta la hadlaan Warbaahinta, iyagoo ka warbixin doona ilaa hadda inta santuuq ee tirintoodu soo gaartay iyo arrimo kale oo la xiriira Doorashada. Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa horey u sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada oo lagu dhawaaqo. Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dheg taagaya natiija iyo cidda madaxweynaha u noqonaysa shanta sano ee soo socota. Warar hordhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan inay aad isugu dhowyihiin codadka labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. PUNTLAND POST Hargeysa The post Tirinta codadka doorashada Somaliland oo socota appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites