Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawir naxdin leh: Sidee ayuu ahaa Jawiga Isgoyska Soobe Markii uu dhacayey qaraxii Musiibada ahaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo Kale 14 October waxay aheyd maalin Madoow oo soo martay Shacabka  Soomaaliyeed, waa maalintii ay Al-Shabaab dileen in ku dhow 400 oo Soomaali ah una badnaa Ganacsato, Ardayday iyo dad Saarnaa Gawaari ku xayirnaa Isgoyska Soobe halka 250 kale ay dhaawacmeen oo qaarkood ay dhaawacyada u geeriyoodeen.

Haddaba waxaa la helay Sawir muujinayo Muuqaalka Isgoyska Soobe sida uu ahaa daqiiqado yar ka hor inta uusan qaraxa dhicin.

Sawirkaan ayaa muujinayo Gawaari badan oo ku sugnaa Isgoyska Soobe, waxaana sawirka laga dhex arkayaa gaariga is qarxiyey oo dhex taagan bartamaha Isgoyska Soobe oo Xilligaas aheyd meel aad u mashquulsan.

Sawirkaan ayaa waxaa laga helay Kaamirada Qarsoon ee ku xirneyd Isgoyska Soobe, taasoo systemkeeda uu yaalo Xarunta Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, waxaana suurtagashay inay duubto daqiiqado ka hor inta uusan qaraxa dhicin.

Runtii waa Sawir aad u murugo badan oo muujinayo in wixii meeshaas ka dhacay ay ahaayeen Musiibo weyn oo ku habsatay Shacabka Soomaaliyeed ayna ka dambeeyaan ururka dhiig miiradka ah ee Al-Shabaab ee ku qaraabto Magaca Diinta Islaamka.

Halkaan hoose ka fiiri sawirkaas:

23559407_1434044036712683_85524807768641

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this