Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo bandhigay magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo Shakhsigii isku Qarxiyey Buula Guduud (Sawiro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid iyo Hub farabadan oo ay sheegen inay ka qabsadeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Gaadiidka iyo Hubka ayey sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay 3-dii September ee sanadkaan ku qaaden xerada ciidanka dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose.

Hubka ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa u badan qoryaha Ak47 iyo nooca loo yaqaan Sabanka oo ay isticmaalayeen ciidankii ka cararay hubka.

Alshabaab waxa ay sidoo kale soo bandhigtay 2 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan ka faa’iideysta Hubka dowlada, waana sababta ay dowladaha saaxiibada ah uga caajisaan in dowlada ay siiyaan Hub iyo Gaadiid dagaal.

Dagaalkii buulo gaduud, oo 29-km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo, ayaa Shabaab waxa ay ku dileen ciidan badan, kadib markii weerar Ismiidaamin ku bilowday ay ku galeen xeradaasi.

Hubka Shabaabka ay soo bandhigeen waxaa kaloo ku jira Qoriga loo yaqaan sabanka oo dagaalka loo isticmaalo, marka la eego hubka ay soo bandhigeen waxaa muuqata xerada ciidanka Buulo gaduud hub badan inay ka qaateen Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa sidan oo kale dhawr mar u soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku qabsadeen dagaalo ay ku qaadeen xeryo ciidan oo ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya

Filimka ayaa lagusoo bandhigayaa Ninkii fuliyay weerarka is qarxinta oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caziiz Cabdullaahi kanasoo jeeda Beesha Eelaay kaasi oo isagoo kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay gudaha ugalay saldhigga ciidanka maamulka Jubbaland ee Buula Guduud.

2.jpg?w=696

23.jpg?w=69624.jpg?w=696

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this