Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Alshabaab oo soo bandhigtay Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay ku furteen weerarkii ka dhacay Xerada Buulo gaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa soo bandhigay Gaadiid iyo Hub farabadan oo ay sheegen inay ka qabsadeen ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Gaadiidka iyo Hubka ayey sheegen inay ku qabsadeen dagaalkii ay 3-dii September ee sanadkaan ku qaaden xerada ciidanka dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada hoose.

Hubka ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa u badan qoryaha Ak47 iyo nooca loo yaqaan Sabanka oo ay isticmaalayeen ciidankii ka cararay hubka.

Alshabaab waxa ay sidoo kale soo bandhigtay 2 ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku qabsadeen weerarkii Buulo gaduud.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan ka faa’iideysta Hubka dowlada, waana sababta ay dowladaha saaxiibada ah uga caajisaan in dowlada ay siiyaan Hub iyo Gaadiid dagaal.

Hub-1.jpg?resize=696%2C384Hub-2.jpg?resize=696%2C338Hub-3.jpg?resize=696%2C338Hub-4.jpg?resize=696%2C338Hub-5.jpg?resize=696%2C338Hub-6.jpg?resize=696%2C338Hub-7.jpg?resize=696%2C338Hub-8.jpg?resize=696%2C338Hub-9.jpg?resize=696%2C338Hub-10.jpg?resize=696%2C338

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this