Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidan iyo gaadiid dagaal oo gudaha u galay deegaanada ISIS-ta Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa Gobolada Puntland ka socda howlgalo maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacish looga sifeynaayo deegaanada maamulka.

Howlgalka oo Seddex maalin jirsaday ayaa waxa uu iminka xooligiisa ka socdaa buuraha Cal Madoow ee gobolka Bari Puntland.

Howlgalka ayaa waxaa lagu bartilmaameysanayaa Saraakiisha iyo Horjoogayaasha al-Shabaab ee ku dhuumaaleysta deegaanada maamulka.

Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkaayay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland, waxaana kamid ah buuraha Cal Madoow oo ciidamadu ay ka dhisteen fariisimo cusub.

Daacishta ku sugan deegaanada Puntland ayaa dhowr mar waxa ay deegaano ka tirsan Maamulkaas ka fuliyeen weeraro isugu jira Qaraxyo iyo dilal balse Madaxda Puntland ayaa sheegtay in ay ka saari doonaan Buuraha ay ku jiraan.

Dagaal-1-1.jpg?resize=696%2C416Dagaal-2-1.jpg?resize=696%2C928Dagaal-3-1.jpg?resize=696%2C522Dagaal-4.jpg?resize=696%2C391Dagaal-5.jpg?resize=696%2C392

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this