Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa u sabab ah in shirkada YouTube ay bogeeda ka masaxdo muqalada hogaamiyihii Al Qaacidda Al-Awlaki?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Shabakadda YouTube ayaa boggeeda si rasmi ah uga masaxday wax ka badan 50,000 muuqaalo ah oo ku saabsan muxaadarooyin uu jeediyay hoggaamiyihii Al Qaacidda ee la dilay Anwar Al-Awlaki.

Muxaadarooyinka ayaa waxa ay badankood ku saabsanyihiin arrimaha jihaadka, isaga oo dadka ku dhiiragalinayay in ay meeshii ay ku arkaan ku dilaan muwaadhiniinta dalalka reer Galbeedka.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in muuqaalada Anwar ku saabsan ee wali ku haray YouTube ay kaliya yihiin kuwa ku saabsan wararkii laga baahiyay iyo barnaamijyo warbaahinta ka samaysay.

Muxaadarooyinka qaar ee meesha laga saaray ayaa ku saabsan moowduucyo kale oo diinta ah oo aanan Jihaadka ahayn.

98733591_awlaki.jpg?resize=660%2C371

Haddii uu noolaan lahaa, Awlaki ayaa waxaa laga mamnuuci lahaa in uu furto ciwaan YouTube ah sababtuna waxa ay tahay in lagu daray diiwaanka argagixisada ee UK iyo Maraykanka.

Laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii, kooxo kasoo horjeeda xagjirnimada ayaa cabashooyin u gudbinayay shabakadan, kana dalbayay in ay hawada ka saaraan muxaadarooyinkiisa.

Awlaki ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo lagula beegsaday dalka Yemen sanadkii 2011-kii.

Anwar-Al-Awlaki.png?resize=696%2C464

yemen_al_Awlaki_110930.jpg?resize=696%2C

Cowlaqi.jpg?resize=696%2C386

BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this