Sign in to follow this  
Deeq A.

Xanuun ka dhashay Siyaasadda Soomaaliya oo Farmaajo dibada lagaga soo dawaynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dalka uga ambabixi doono Safar. Madaxweynaha ayaa la sheegay in safarkiisa uu yahay mid ku qotoma arrimo caafimaad, waxa uuna safarkiisan qorsheynaayay labadii bil ee ugu danbeysay. Madaxweynaha ayaa la qorsheynayaa in Safarkiisa caafimaad uu ku gaari doono mid kamid ah dalalka Turkiga ama Mareykanka sida aanu xogta ku heleyno.

 

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xanuunka Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid ka dhashay Jahwareerka Siyaasada Somalia, waxaana xusid mudan in tan iyo markii loo doortay xilka uu dhexda u galay Siyaasiyiin mucaarad ah oo fulinaaya dano shisheeye.

Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo ayaa sidoo kale isna dhowr jeer arrimo caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa, inkastoo xanuunkiisa uu ahaa mid isna ka dhashay Siyaasada. Sidoo kale, inta badan Madaxda Soomaalida ayaa safaro caafimaad dibadda u aada, si ay isku soo sameeyaan baaritaan guud. Ma cadda xiliga rasmiga ah ee uu ku beegan yahay safarka Madaxweyne Farmaajo, waxaase la filayaa inuu bixi doono maalmaha nagu soo aadan.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this