Deeq A. Posted November 13, 2017 Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dalka uga ambabixi doono Safar. Madaxweynaha ayaa la sheegay in safarkiisa uu yahay mid ku qotoma arrimo caafimaad, waxa uuna safarkiisan qorsheynaayay labadii bil ee ugu danbeysay. Madaxweynaha ayaa la qorsheynayaa in Safarkiisa caafimaad uu ku gaari doono mid kamid ah dalalka Turkiga ama Mareykanka sida aanu xogta ku heleyno. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in xanuunka Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid ka dhashay Jahwareerka Siyaasada Somalia, waxaana xusid mudan in tan iyo markii loo doortay xilka uu dhexda u galay Siyaasiyiin mucaarad ah oo fulinaaya dano shisheeye. Madaxweynihii ka horeeyay Farmaajo ayaa sidoo kale isna dhowr jeer arrimo caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa, inkastoo xanuunkiisa uu ahaa mid isna ka dhashay Siyaasada. Sidoo kale, inta badan Madaxda Soomaalida ayaa safaro caafimaad dibadda u aada, si ay isku soo sameeyaan baaritaan guud. Ma cadda xiliga rasmiga ah ee uu ku beegan yahay safarka Madaxweyne Farmaajo, waxaase la filayaa inuu bixi doono maalmaha nagu soo aadan. Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted November 13, 2017 Ilahay cafimad hasiiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted November 14, 2017 The Somalis have the funniest way of saying the president has a stressful job. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted November 14, 2017 the guy seems to be sleeping on the wheels, EEBE ha ha u sahlo Quote Share this post Link to post Share on other sites