Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada DF oo soo saaray go’aan la xiriira Rukhsadaha iyo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─  Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa go’aamiyay in dhamaan wasaaradaha xukuumaddu ay faraan shirkadaha iyo hay’adaha is-diiwaangelinaya ama cusbooneysiinaya rukhsadaha ay la yimaadaan caddeyn muujineysa inay leeyihiin sanduuq boosto.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxaa la isku af gartay in wasaaraduhu ay gacan weyn ka geysan karaan sidii loo dardar-gelin lahaa boostada dalka, iyagoo sameynaya tallaabooyin lagu dhiirri-gelinayo isticmaalka boostada.

Boostada-Somalia_Muqdisho-1.jpg?resize=3Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Inj. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in guddi gaar ah oo uu madax u yahay Wasiiru-dawlaha uu u xilsaaray sidii ay u dardar-gelin lahaayeen Boostada Dalka, una beddeli lahaayeen qaabka ay hadda u shaqeyso oo caqabado badan ay ka hor yimaadeen.

Wasaaru dawladaha, Mudane C/laahi Bile Nuur, oo soo jeediyay qorshaha Wasaaradda ee dhinaca boostada ayaa sheegay in dhowaan la billaabi doono in boostada dalka loo diri karo dalka dibeddiisa, ka dib markii bishii Luulyo ee sanadkan ay Wasaaraddu la soo saxiixatay Boostada Jabuuti heshiis wada-shaqeyn ah oo dhex maraya Boostada Soomaaliya iyo midda Jabuuti. Sanadkii 2013-kii ayaa la billaabay in la keeno boostada ka imanaysa dibedda, hase yeeshee ma suurtogelin in dibedda loo diro boostada ka baxaysa dalka.

“Ciwaanka kaliya ee Somalia ka jira waa sanduuq boosto, waxaana u baahan shirkadaha, macaamiisha bankiyada, jaamacadaha iyo xafiis kasta. Waxaan dooneynaa inaan isbedel weyn ka sameyno qaabka ay u shaqeyso Boostadu, waayo waxay astaan u tahay dawladnimada iyo ilbaxnimada, waxayna fududeysaa adeegyada ganacsiga iyo dawladdaba,” ayuu hadalkiisa mar kale ku yiri.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ku War-gelineynaa inay u diyaar garoobaan isbeddelada cusub ee lagu sameyn doono Boostada Qaranka.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada DF oo soo saaray go’aan la xiriira Rukhsadaha iyo… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this