Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo 24 saac gudahood Saddex weerar ka fuliyay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay qaadeen saddex weerar oo diyaarado ah muddo 24 saacadood gudahood ah, islamarkaana ay beegsadeen xarumo ay ku suganaayeen Al-Shabaab, maalmihii lasoo dhaafay ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa waxay dileen dhowr dagaalyahanno oo Al-Shabaab ka tirsanaa sida afhayeen u hadlay taliska milateriga Maraykanka ee Afrika  uu u  sheegay Wakaaladda Wararka ee AP Axaddii Shalay aheyd saddexda weeraro oo diyaaradaha Maraykanku ay qaadeen  Waxaa lagu dilay 26 Askari oo ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanku uu ka fuliyay Soomaaliya, waxaa uu sheegay ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaar ah u tababar ka qeyb qaateen.

Weerarkii  ugu horreyay ayaa waxaa uu dhacday Sabtidii ku dhawaad ​​4:30 p.m, waxaana diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen taliska Mareykanka ee Afrika ,Weerarkaasi wuxuu ka dhacay meel u dhow  Buulo Gaduud, oo ku dhowaad 250 mayl dhinaca koonfur galbeedka kaga beegan  caasimadda Soomaaliya  ee Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa waxa ay sheegtay dowladda Mareykanka in uu yimid kadib markii al-Shabaab ay weerareen kolonyo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ah ay wateen,islamarkaana diyaarado dagaal ay duqeeyay Kooxdii Weerarkaasi soo qaaday.

“Waxan qiimeyneynaa in aysan waxyeelo soo gaarin qof rayid ah meel kasta  oo aan beegsaneyno” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Ciidamada Mareykanka.

“Waxaan qaadnaa tallaabooyin kasta inta lagu gudajirayo habka loo beegsanaayo si loo hubiyo in dhimashada dadka rayidka ah iyo waxyeelooyinka kale ee soo gaaraya dadka Shacabka ah, waxaana diyaar u nahay  dammaanad-qaadka  iyo u hoggaansamidda mabaadii’da Sharciga “ ayuu hadalkaasi intaasi kusii daray.

Weerarka labaad wuxuu dhacay Axaddii 3-dii subaxnimo, waxaana uu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose meel Magaalada Muqdisho u jirta 40 KM .

Weerarkaasi waxaa uu ka dhacay Deegaan dhanka Koonfur Bari kaga beegan Daaru Salaam Gobolka Shabellaha hoose, waxaana dowladda Mareykanka ay sheegtay in beegsatay Saldhig ay Al-Shabaab leeyihiin ,inkastoo halkaasi laga soo qaaday Meydad dad Shacab ah, hadana dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay baareyso in ay jirto waxyeelo Shacabka gaartay.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Weerarka Saddexaad uu dhacay ,isla maalintii Shalay aheyd,islamarkaana uu ka dhacay degaanada Puntland gaar halka ay ku sugan yihiin Kooxda Daacish.

“Ciidamada Maraykanku waxay sii wadi doonaan inay isticmaalaan dhammaan tallaabooyinka la ansixiyey iyo kuwa ku haboon ee lagu ilaalinayo dadka Maraykanka  iyo dadka Soomaaliyeed ,islamarkaana ay ka hortaggaan Hanjabaadaha argagixisada,” ayuu yiri afhayeenka Ciidamada Mareykanka .

Ciidamada Mareykanka ayaa la shaqeynaya ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo 22,000 oo askari oo Midowga Afrika  ka socda.

Maamulka Trump ayaa  horaantii sanadkaan ansixiyay howlgalo millatari oo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this