Deeq A. Posted November 13, 2017 Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sii wadda inay dhaqaale ka hesho canshuurta sharci darrada ah ee ay ka qaado ganacsatada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group. Kooxdan ayaa sheegtay inay wareysiyo ay la yeelatay ganacsatada Muqdisho lagu ogaaday in canshuurta Al-Shabaab ay bishii ka qaado ganacsatada ay u dhaxeyso 10 dollar oo laga qaado kuwa yaryar, illaa 70 kun oo dollar oo ay bixiyaan shirkadaha waa weyn. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in digniintii ay dowladda soo saartay 23-kii July ee sanadkan ee uga digtay ganacsatada inay lacag siiyaan Al-Shabaab ay u muuqato mid ku dhaceysa dhego aan wax maqal, sababtuna ay tahay awood yariada hay’adaha amniga dowladda. Waxa ay sidoo kale warbixintu sheegtay in Al-Shabaab ay si xooggan isugu haleyso kuna tiirsan tahay canshuurta ay saarto wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo ganacsiga. Shabaab ayaa sidoo kale lacag ka qaadata baabuurta ay jidka u gasho, oo ay ku jiraan kuwa u socda Kenya, ayada oo mararka qaar halkii baabuur ee xamuul ah laga qaado 1000 dollar, ayada oo baabuurta la siiyo warqad caddeeneysa inay lacagta bixiyeen, si aan mar labaad meel kale lacag looga qaadin. Lacagta ay Al-Shabaab ka qaado ganacstada ayaa loogu yeeraa, cudur daarna looga dhigaa inay tahay Zako. Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites