Deeq A. Posted November 13, 2017 1987-ki illaa waqtigan aannu joogno ayuu Turkigu raadinayaa inuu kamid noqdo midowga Yurub walina ma naasa-cadda in qoyska lagu daro si ay quud iyo qaaraan ula wadaago. Haddii midowga lagu darana faa,iidooyin badan ayuu helayaa oo xag dhaqaale iyo xag awood diblomaasiyadeedba leh. Reer Yurub oo aan xoolahooda been-been lagu cunin, ayaa daraasad ka diyaariyey dhibaatada u imaan karto haddii Turki ku biro midowgooda. Natiijadi daraasadda waxaa ugu mhuiimsan odobadan. 1-Tiro badnaan ay la socoto Muslinimo: Turki hadda waa 75milyan, 2050-ka wuxuu noqon doonaa 91 milyan sidaana wuxuu ku noqonayaa wadanka ugu badan midowga Yurub, wuxuu yeelanayaa kuraasta ugu badan ee baarlamaanka midowga Yurub sidaana uu ka mid noqdo xubnaha ugu firfircoon barlamaanka. Waxayna qabaan cabsi ah maadamaa Turki muslim yahay inuu awood sharciyeed uu ku yeesho midowga Yurubna uu markaa ku qasbanaado udoodida arimaha islaamka oo uu difaaco qadiyadaha mulimiinta. 2- Cabsi dhaqaale: waxay qabaan in hadii lagu daro dad badan oo Turki ah ay u socdaalaan wadamada Yurub oo shaqada ay ku cariiriyaan dadka kale maadaama ay ka shaqaalo jaban yihiin, badeecada Turki soo saaro oo ay ka baqayaan in ay ku fatahaan suuqyada Yurub, sidoo kale in shirkadaha ree Yurub ay si weyn u maalgashadaan wadanka Turkiga sidaana uu ku noqdo suuqa Yurub ugu weyn maadamaa uu haysto 75 milyan oo halmeel wada dagan. 3-Dood xagga juqraafiga ah: Dalka Turkiga boqolkiiba 97 waxa uu ka tirsan yahay qaaradda Aasiya marka in boqolkiiba 3 uu yurubnimo ku helo inaysan sharci ahayn ayay ku doodayaan. 4- Cabsi dhinaca diinta iyo dhaqanka ah: Taariihkda, diinta, iyo hiddaha Turkiga waxa ay ku arooraan bartamaha Aasiya iyo Bariga Dhexe oo dadkoodu isaga dhow yihiin dadyow kasta oo dunida ku nool oo hiddo iyo dhaqan aysan dadyowga ree Yurun aysan la wadaagin. Sidoo kale wax badan oo ka dhexeeyo ree Yurub inaysan la wadaagin waaya aragnimada iyo sooyaalka taariikheed ee ay kamid yihiin dhaxalka dhaqan iyo aqooneed ee ay kala hareen casriyadii la baxay Ilayska iyo kor-ukaca, dhibaatadii iyo xanuunka ay wadaagaan dalalka hada midowga Yurub ku jiro ee kasoo gaartay dagaalkii labaad ee aduunka oo sabab u ahaaba dhalashada fikirka midnimada Yurub. Dadka Turkigana ay yihiin Muslim hidde iyo dhaqan ahaan si buuxda uga duwan dadka Yurub oo iyaga dhaqankoodu ku arooro Kiristaan. Waxaa intaas dheer, marka taariikhda Turkiga dib loo raaco, xiriirka ka dhexeeyo Yurub iyo Turkiga wuxuu ku aroora kuwii bilowday waqtigii dawladda Cusmaaniyiinta ee ay inta cudud ciidan ku qabsatay, muddo dheerna ay wadamo badan oo ree Yurub ah maamulaysay taasina ay ree Yurub ku reebtay boog aan wali bogsan. Waxay xeeldheerayaasha Ree Yurub ee cilmi-baarista sameeyay warka kusoo hooriyeen: In aanayba Turki isku cid ahayn. Waxaan ka qaadanaynaa cashirkaan in noloshu ubaahan tahay qorshayn ka duwan mida aan hadda ku noolahay oo la mid ah dad saaran doon aan lahayn naakhuude, dadka saarana aysan aqoon, darawal la’aanta ha joogtee, meel ay u socdeen markii horeba, arinkeenuna uu yahay bal waxa uu waa la baryo aan dhawrno. Sidoo kale waxaan ka fahmaynaa, aduunka inaan lagu eegin maanta waxa taagan ee la qorsheeyo sanado badan waxa soo socdo. Waxaan la yaabay in daraasadda ree Yurub ay qorshaha ku darsadeen Waxa 50sano kadib imaanayo. Waxaa kale oo baraarujin mudan sida reer Yurub uga fakerayaan ilaalinta dhaqankooda iyo diintooda oo ah sababta ugu muhiimsan ee ay Turki ood-afada isaga saareen. Waxaan aragnaa in aqoonyahkeenna ay cajabiso afkaarta dhaqan-dhaqaale ee ree galbeedka iyagoo ku doodayo Yurub waxay horumar ku gaartay inay diin iyo dhaqan meel iska dhigeen danahoodana aqoonsadeen. Sidaa awgeed waxaad arkaysaa in marka diin lasoo qaado, dhaqanka in lagu fara adaygo aad ka hadasho, ree galbeedku inay wax khaldayaan oo dahankeenna duullaan ku yihiin aad usheegto in lagugu tuhmo mintidnimo iyo mayal-adayk. Bal u fiirso waa ree Yurub waa raggaa hada aduunka haysto, waa 28 waddan waxa ayna ka baqayaan hal waddan hadii ay wax ku darsadaan waxa uga imanayo. Waxay walaac ka qabaan diintooda, dhaqankooda, iyo dhaqaalahooda inay wax soo gaaraan. Ugu danbayn waa in aqoonyahankeennu gartaa in aqoontu qiimo ku leedahay dhaqanka iyo diinta, waxa aqoonta loo yeeshana ay tahay in lagu ilaaliyo danaha dadkaada iyo qaayasoorkooda. Aqoon lagu dumiyay aasaaska jiritaankaada maahan mid qiimo leh. Horumar baabiyo sooyaalkaadi iyo taariikhdaadina horumar maahan. Taasina waa sababta ay reer Yurub si walba oo ay noloshooda u hormariyeen ay wali ugu faanaan inay yihiin kiristaan. W/Q: Maxamed Ibraahim Xasan Share this post Link to post Share on other sites