Deeq A. Posted November 13, 2017 Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlaayay amni darida ka jirta dalka iyo duulaanka ay qorsheyneyso dowlada Somalia, ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga hortago amni darida weli taagan. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dalka uu leeyahay ciidamo aad u xoogan, balse la doonayo in la dhameystiro xuquuqda ciidamada si ay ula dagaalamaan cadowga. Waxa uu Axmed Madoobe tilmaamay inay la socdaan in ciidamadu aysan heysan wax xuquuq ah, hase ahaatee waxa uu garwaaqsaday inay adag tahay in ciidamo ceynkaasi ah ay la dagaalamaan cadow, balse waxa uu rajo ka muujiyay in ciidamadu ay u dhabar adeegi doonaan difaaca dalka iyo dadkooda. Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu Madaxda ugu sareysa Qaranka uga digay hal arrin oo ah inay ka dhabeyn waayan hanjabaadii aheyd inay qaadayaan duulaan ka dhan ah Alshabaab oo ay kula soo noqonayaan deegaanada ka maqan gacanta dowlada. Dhinaca kale, waxa uu Axmed Madoobe soo jeediyay in la dadajiyo duulaanka ka hor inta aysan maleeshiyaadka ku mashquulin amniga goobaha ay gacanta ku heyso dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites