Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Al-Shabaab oo weeraray Ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah loo dhigay ciidamo Mareykan ah iyo Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xoogag katirsan Xarakatu Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada huwanta ah oo kasoo amba baxay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Xiriiro aan la sameen ay dadka deegaanka ayaa u sheegay inuu weerarkan ahaa mid culus hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayna maqlayeen Jug culus oo ay u maleynayaan iney tahay Qaraxyo dhulka lagu aasay.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay weerrar ku qaadeen Ciidamo Soomaali iyo kuwo Mareykan ah oo marayay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina ay ku gubeen gaadiid dagaal uuna jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada weerarka Daba galka ah la kulmay.

Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa maal mahan ka waday inta u dhaxeysa Gobalada Shabeelada hoose iyo Gobalka shabeelada dhaxe Howlgal ka dhan Xarakada Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Faah Faahin: Al-Shabaab oo weeraray Ciidamo Mareykan ah oo ku sugan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this