Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hanjabaada Shabab kadib maxaa iska bedelay amniga Villa Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amniga Madaxtooyada Somalia, kadib markii Hay’adaha amaanka DFS iyo kuwa shisheeye ee ka howlgala Somalia ay heleen macluumaadyo muujinaaya in maleeshiyaadka Alshabaab ay maleegayaan weeraro ka dhan ah Xarumaha waaweyn ee dowlada.

Ciidamada ka howlgala Villa Somalia ayaa lagu sameeyay tirro kordhin waxaana sidoo kale la adkeeyay galitaanka Madaxtooyada sababo la xiriira macluumaadyada soo baxaayo.

Goobaha la adkeeyay amniga Villa Somalia ayaa waxaa kamid ah Iridka hore ee saaran wadada Makka Al-mukarama, Iridka saaran wadada forolonsa ee Wardhiigley iyo Iridka laga galo dhismaha rasmiga ah ee Villa Somalia.

Ciidamada lagu biiriyay sugida amniga Villa Somalia ayaa waxaa ku jira kuwa AMISOM, waxaana jira cabsi laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weeraro ka geystaan Xarumaha muhiimka ah.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa 9-13 bishan fasax u kala diray dhammaan Howlwadeenada ka shaqeeya Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira amni darro iyo weeraro ay maleegayaan Alshabaabka.

Dhinaca kale, DFS ayaan qudheeda weli ka hadal wararka sheegaya amni darida ka jirta magaalada Muqdisho iyo warbixinta ay soo saartay AMISOM ee shakiga abuuray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this