Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda is to send own troops to Somalia without AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Uganda_Forces_in_Somalia.png?resize=836%

 

Kampala (PP) ─  Warbixin uu baahiyay taliska millateriga Uganda, ayaa lagu taageeray hawl-galka Somalia looga dul-qaadayo Al-shabaab, kaasoo ay dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in Somalia ay ka taageerayso hawl-galka ka dhanka ah Al-shabaab, isla markaana ay ku caawin doonto wax kasta oo lagu helayo nabadda iyo deggenaanshaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Dowaldda Uganda ayaa xustay inay  Somalia u dirayso ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, kuwaaasoo ka madax-bannaan hawlgalka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Somalia. Dowladda Uganda waxay warbixinteeda ku sheegtay in cidiamadan ay yihiin kuwo gaar ah oo ay ugu talo-gashay inay ka qayb-qaatana hawlgalka lagula dagaalamayo Al-shabaab ee dhawaan ka billaaban doona Somalia oo dhan. Afhayeenka millateriga Uganda, Brig. Richard Karemire oo la hadlay Xinhua ayaa sheegay in Xukuumadda Uganda oo matalaysa dalalka Pan-Africans-ka ay diyaar u tahay inay ciidammo u dirto Soomaaliya.

 

“Waxaan mar walbo diyaar u nahay inaan tiro kasto oo ciidammo ah aanu u dirno Somalia, Xukuumadda Uganda iyo Pan-Africans – Waxaannu u baahan nahay xooggaa taageero ahm” ayuu yiri Brig. Karemire.

 

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxda Uganda ay ka dhawaajiyeen maalin ka hor in ciidamada ugu horreeya ee AMISOM ee dalka Somalia ka bixi doona ay noqon doonaan kuweeda.

 

Source: PUNTLAND POST

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is actually better than ciidamada magaca Amisom Soomaaliya ku joogo, oona Qaramada Midoobe biil kaga qaato Soomaaliya ayaa nabadeyneynaa. At least ciidamadaan cusub iyagaa isbiilaayo. I think Museveni answered Farmaajo's request in last month for help for upcoming war against Barbaarta.

 

Haddee isbiilaayaan waaba fiicantahay, better than kuwa qofkiiba kumanaan doolar magaca Soomaaliya ku qaato, waxna aanan qaban.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this