Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka Dambeeya Fariimaha Digniinta Amniga ah Xaambarsan oo Shacabka Lagu Argagax  Galinayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Labadii maalmood ee lasoo dhaafey waxaa magaalada Muqdisho la isku gudbinayey fariimo xambaarsan digniino dhanka amniga ah oo lagu argagixinayey shacabka Muqisho.

Fariimahan qaarkood waxaa loo sawirayey inay yihiin kuwa ay isdhaafsadeen saraakiil dhanka amniga u qaabilsan hay`ado iyo safaarado shisheeye ah oo shaqaalahooda uga digaya magaalada Muqisho. Waxaa fariimaha qaarkood lagu sheegayey in xataa garoonka caalamiga ah ee Adan Adde uusan amni aheyn.

Haddaba waxaa la isweydiin karaa yaa ka dambeeya noocan cusub ee argagixisnimada ah oo sharci ahaan dambi la isku maxkamadeyn karo ah?

Markii aan u kuur galnay baarneyna cidda ku hawlan dacaayadan iyo been abuurkaan lagu cabsi galinayo shacabka, ayaa waxaa ogaanay inay ku lug leeyihiin ajandana ka dhigteen kooxda ay soo kireysatay dowlada Imaaraatka ee qaska iyo fitnada loosoo xilsaartay.

Waxaa hawshaan farsamo ahaan iyo fikir keedaba ka shaqeynayey

Cabdiraxman Cabdishakuur

23513326_1455052657894169_1723045417_n.j

Kamaal Guutaale

23476588_1455052994560802_1672627883_n.j

iyo Abshir Bukhari.

23477053_1455052824560819_2088854999_n.j

Sadexdaan qaswade  iyo kuwa kale ee ku arragtida ah ayaa aaminsan in la abuuro khalkhal dhanka amniga ah si dowladda loogu eedeeyo fashil dhanka amniga ah si taas u hirgashana la abuuro warar iyo daacayado been ah oo dhanka amniga la xiriira ayagoo adeegsanaya erayo ka mid yihiin gaari qaraxa ku jira magaalada, qof aan la dilin oo la diley iwm.

Dacaayadahaan ayaa kusoo beegmaya waqti ay ciidamada xooggu dagaal iyo guluf joogto ah ku hayaan fariisimihii ay kooxda Shabaab ku laheyd gobolada Shebelada Hoose iyo Shabelada Dhexe, waxaana dagaaladan oo wali socda Shabaabka looga laayey maleeshiyaa farabadan halka qaarkalena maxaabiis ahaan loo qabsadey.

Hay`adda nabad sugidda qaranka ayaa ayaduna xoojisay hawlgaladoodii caadiga ahaa ee ay kaga hortagayeen dhagarta shabaab .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this