Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda oo ciidamo ka duwan kuwii hore usoo diraysa Somalia (Maxaa is-beddelay?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah inay diyaarisay ciidamo gaaraya 5,000 oo Askari kuwaasi oo ay usoo dirayso dhawaan dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb-qaataan howlgalka cusub ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Brig. Richard Karemire, oo ah Afhayeenka Militariga Uganda ayaa u sheegay Xinhua in ciidamada ay usoo dirayaan Soomaaliya u baahan yahiin in beesha caalamka ka taageerto qarashka ku baxaya howlgalka.

“Waxaan diyaar u nahay inaan tiro aad u badan oo Askar ah u dirno Soomaaliya, laakiin waxaan u baahanahay taageero dhinaca dhaqaalaha ah oo ka codsanayno beesha caalamka,” ayuu yiri Karemire.

Karemire ayaa intaasi ku daray in ay jidaan xeerar badan oo ku saabsan howlgalka Soomaaliya sida midka AMISOM oo mararka qaar xadidaya awooda askarta ee ah inay baabi’iyaan Al Shabaab.

Ciidamadan cusub ee Uganada usoo dirayso Soomaaliya ma noqon doonaan kuwa hoostaga AMISOM ama ku shaqeyn doono Ogolaansho Gollaha amniga ee QM.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa u sheegay ku simaha kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Donald Yamamoto bishii September in dalkiisa uu ciidamo dheeraad ah u dirayo Soomaaliya si uu u xoojiyo howlgalka military ee AMISOM.

Museveni wuxuu kaloo u sheegay Yamamoto dirista ciidamadiisa ay ku xiran tahay shuruud ah in beesha caalamka uu balan-qaado dhaqaalaha iyo qalabka ay ku howlgalayaan Askartiisa, sida Diyaarado dagaal.

Hadalka kasoo baxay Afhayeenka Militariga Uganada ayaa kusoo beegmaya wax yar kadib markii Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira uu ku dhawaaqay Talaadadii lasoo dhaafay in 1,000 Askari oo kamid ah Howlgalkooda ay kasoo saarayaan Soomaaliya 31-ka December, 2017-ka.

AMISOM ayaa sanadka cusub billaabaysa bixitaan tartiib-tartiib ah, oo qeyba mar la saarayo Askarta, iyadoo qorshuhu yahay in marka la gaaro 2020-ka ay si buuxda dalka u faarujiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this