Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo joojisay Shaqooyinkii ka socday Xalane iyo Amarro ay soo saartay [AKHRISO]

Recommended Posts

Deeq A.   

AMISOM-Press-Release.jpg?resize=880%2C58Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa joojiyay muddo shan maalmood ah dhammaan shaqooyinkii iyo dhaqdhaqaaqyadii ka socday Xalane ee xarun u ah ciidamada AMISOM, kuna dhagan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay Al-shabaab qorsheynayso inay weerarro la beegsadaan garoonka iyo Xalane oo ah xarunta AMISOM.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa soo saaray Qoraal agu amrayo dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka hawl-gala Xalane inay shaqadii laga joojiyay inta u dhexeysa 09-ka illaa 13-ka bishan November, iyadoo amarro culus oo dhinaca amniga ah laga soo saaray.

Haddaba, Amarrada ay AMISOM soo saartay waxaa ka mid ah:

  1. In baaritaan xagga ammaanka la xiriira ka sameyn-doonto xerada shant amaalmood ee l xiray, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints.
  2. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Xerada Xalane laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga iwm.

Sidoo kale, Dharka maalmood ee ay hawlaha amni socdaan waxaa lagu war-geliyay dhammaan; safaaradaha, shaqaalaha ajaanibta, Qandaraaslayaasha, shirkadaha iyo ganacsatada ka dhex-shaqeeya Xalane Amarradan soo socda;

  • Inay xisaabiyaan gawaarida (yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Xerada, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka.
  • Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaadada (good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan
  • Hoteellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha, qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah.
  • Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo.
  • Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa.
  • Caddeyn ka keen labiska, kaararka aqoonsiga iyo Qandaraaska, kaasoo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan.
  • Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo AMISOM ay u soo saaraan sababo ammaanka la xiriira, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post AMISOM oo joojisay Shaqooyinkii ka socday Xalane iyo Amarro ay soo saartay [AKHRISO] appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this