Sign in to follow this  
Deeq A.

DANJIER KEATING: Madaxda Qaranka waa inay Hirgaliyaan Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

525661Keating_Somalia.jpg?resize=902%2C5Muqdisho (PP) ─ Ergayga Qaramada Midoobey ee Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay rajadooda ku aaddan in la dhaqan-galiyo heshiiskii 05-tii bishan dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ee ka dhacay Muqdisho.

Danjire Keating, wuxuu sheegay in heshiiskii dhex-maray madaxda Qaranka uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday. Wuxuuna intaa ku daray isagoo warbaahinta la hadlayay inay qabaan rajo weyn, wuxuuna ku caddeeyay hadalkiisa inuu jiro farqi kala geynaaya Dowladda hadda jirta iyo middii hore ee dhacday.

Sidoo kale, Ergayga ayaa tilmaamay in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado ay ku dhaqan galinkarto Qodobada ay la saxiixatay maamullada, halka dowladii hore ay ku furnaayen kacdoono siyaasadeed.

”Waxaan Qirayaa in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado badan oo aysan haysan Dowladdii hore, farqiga u dhexeeya ayaa ah in Dowladdaan jirta ay haysato taageero shacab oo ka difaaci kara kacdoon siyaasadeed,” ayuu yiri Keating.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. ”Sidaas darteed Waxaannu ku rajo weyn ka qabnaa in Dowladda Federaalka ah hada jirta ay sideeda u dhaqan-galiso heshiisyada jira si ay Somalia uga hanaqaado halka ay taagan tahay.”

Dhanka kale, Danjire Michael Keating ayaa xusay inay filayaan in Dowladda ay ka fursado badnaan doonto middii hore, balse ay ka rajeynayaan inay ka dhabeyso himiladeeda dhanka siyaasada iyo horumarka.

Ugu dambeyn, Ergayga QM ee Somalia ayaa tilmaamay in Somalia ay cagta-saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

PUNTLAND POST

The post DANJIER KEATING: Madaxda Qaranka waa inay Hirgaliyaan Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this