Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Guddoomiyaha G/Banaadir oo dalbaday in lagu wareejiyo Ammaanka Muqdisho, Shuruudna ku xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa olole ugu jira inuu la wareegto ammaanka Gobolka Banaadir.

Warar ay heshay Caasimadda ayaa sheegay in Guddoomiye Taabit uu si toos ah uga dalbaday madaxda sare ee dowladda inay ammaanka G/Banaadir ku wareejiyaan Gobolka, isla markaana kula xisaabtamaan wixii ammaandarro ah ee ka dhaca.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa qorshihiisa ammaanka ee caasimadda waxaa ka mida in loo qoondeeyo miisaaniyadda 10% kharashka dowladda ee ilaha dhaqaalaha Muqdisho oo hore Golaha wasiirada ay u ansixiyeen laakiin aan weli u suuragelin.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodaya inuu ammaanka gaarsiinayo heer degmo iyo xaafadeed, isla markaana uu heysto ciidamo iyo kaadiriin howsha amniga hanan kara, wuxuuna diiday tallooyin ku saabsan inuu isaga haro arrintan.

Lama oga in arrintan ay aqbali doonaan madaxda sare ee dowladda federaalka iyo inkale, waxaase weli gobolka Banaadir laga hortaagan yahay inuu helo qoonde miisaaniyadeed ay u ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Guddoomiyeyaashii hore ee G/banadir oo dalbaday in lagu wareejiyo arrimaha amniga iyo ciidamada ayaa waxaa ka hor yimid hoggaanka ugu sareeyay dalka, iyadoo la xusuusto balanqaadyadii fuli waayay ee madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this