Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ganacsi oo ballaaran.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dowladda Shiinaha ku cadaadiyey in ay dadaal dheeraad ah ku bixiso Barnaamijka Nukleerka Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna sheegay in ganacsiga laba-geesoodka ah ee ay Shiinaha la wadaagan uusan cadaalad u ahayn Maraykanka. Laakiin Trump ayaa madaxweyne Xi Jinping ku ammaanay sida ay uga go’antahay in dalkiisu noqdo mid u furan shirkadaha debadda.

Mar uu ka hadlayey arrinta kuuriyada Waqooyi ayuu yiri”Shiinuhu wuu awoodaa in uu xalliyo dhibaatadan si deg deg ah oo fudud“,isagoo ku boorriyey xukuumadda Beijing in ay xiriirka ganacsi u jarto Kuuriyada Waqooyi,sidoo kalena Ruushka ugu baaqay in uu caawimaad ka geyso arrintaasi.

Donald Trump ayaa hadalkaan jeediyey,xilli dhinac taagnaa dhiggiisa Xi Jinping oo ay ku kulmeen caasimadda Shiinaha ee Beijing,halkaasoo ay ku saxiixeen heshiis ganacsi oo ku kacaya $250 bilyan oo Doollar,kaasoo u dhexeeya shirkadaha Maraykanka iyo Shiinaha.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaalaha dalkiisu uu noqon doono mid u furan shirkadaha debadda oo ay ku jiraan kuwa maraykanka,sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey shirkadaha Maraykanka ee maalgeshanaya dalkiisa,halka uu ballan qaaday in Xukuumadda Shinaha ay xiriirka ganacsi u jarayso Kuuriyada Waqooyi.

 

Xigasho/Reuters

 

The post Maraykanka iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ganacsi oo ballaaran. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this