Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ka tirsan Dowlada FS oo si kedis ah ugu dhex geeriyooday Xafiiskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday Taliyihii ciidamada Taraafikada Somalia General Cali Maxamud Cali ”Cali Shariif ”.

Taliyaha Ciidamada Taraafikada ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhex geeriyooday Xafiiskiisa oo qeyb kamid ah u ahaa Hooy.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Taraafikada ayaa warbaahinta u sheegay in Cali Shariif , uu waayadan ahaa mid u saaxiib ah xanuun, isla markaana dhawaan kasoo laabtay dalka India oo uu ugu maqnaa xanuun.

Taliyaha marxuumka ah ayaa muddo laba asbuuc si KMG ah howsha ugu wakiishay ku-xigeenkiisi oo hada hawsha waday.

Sidoo kale, Cali Sharif ayaa horay usoo noqday Taliye xigeenkii Booliska Gobolka Banaadir, waxa uuna ahaa shaqsi inbadan kusoo dhex jiray howlaha ciidanka.

Dhinaca kale, meydka Cali Sharif ayaa lagu aasayaa qabuuraha ku dhexyaala Isbitaal Madiina oo inta badan lagu aaso halgamaayaasha Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this