Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirad xilkeeda ku weysay la kulanka Benjamin Netanyahu (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Priti Patel ayaa iska casishay wasiirka horumarka caalamiga ah ee UK iyadoo bartanka lagaga jiro dooda kulanka aan loo fasixin ee ay la yeelatay masuuliyiinta Israa’iil.

Waxaa laga dalbaday in ay ka soo laabato safar shaqo oo rasmi ah oo ay Afrika ku joogtay, Ra’iisulwasaaraha ayaana ugu yeertay xafiiskeeda Downing Street si arrintan wax looga waydiiyo.

Waraaqda is casilaadda ah ee ay qortay Patel waxay ku sheegtay in ficilkeedu “uu ka hoos maray heerkii daahfurnaanta ee ay u ol’olayn jiray, dhiirigalin jirtayna”.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegtay in ay qaadatay go’aan “sax ah” iyadoo ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeen arrintan”.

Patel ayaa raali galisay Ra’iisulwasaare Theresa May Isniintii ka dib markii ay soo baxday in ay kulan aan loo fasixin la yeelatay bishii Agoosto siyaasiyiin reer Israa’iil ah oo uu ka mid yahay ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu.

Laakiin intaas ka dib waxaa soo baxday in ay labo kulan oo kale gashay iyadoo aysan wehelin masuuliyiinta dawladda UK, bishii Sabtembar.

BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this