Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda IRN: Aad ayaan ula yaabnay warqaddii DF, wada-hadal ayaana noo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Shirkadda International Research Network ayaa waxaa ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan shirka Somalia Oil, Gas and Mining ee lagu wado in uu dhaco March 2018

Shirkadda waxaa ay qoraakeeda ku bilowday in labo bil muddo laga joogo warqad ogolaashiyo shirkadda ay ka heleen dowladda federaalka ah, iyaga oo intaasi raaciyay in ay la yaabeen ay heleen November 5 warqadda kale oo ka socota Wasiirka Petroolka dowladda federaalka ah kaas oo lagu diiday isla shirka.

IRN waxaa ay sidoo kale ka hadleen in laga soo bilaabo July sanadkan ay la xiriireen shirkado Soomaali iyo caalami ah sidii maalgelin loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya oo ay ku sheegeen meel mustaqbal leh.

International Research Network  waxaa kale oo ay ka hadleen khibaradooda, iyaga oo sheegaya in 6dii sano ee la soo dhaafay ay shirar noocaan u qabteen shirkado iyo dalal badan, gaar ahaan arrimaha la xiriira shidaalka, shirarkaasi ay qaban-qaabiyeen oo inta badan carabta u badnaa Soomaaliya waxaa ay ku aheyd  marti.

Shirkadda waxaa ay soo dhaweynsay warqadda ay dowladda federaalka ah ka heleen September 19 taas oo ay sheegayaan in ay ku dhiirigelisay in ay horay u sii wadaan qaban-qaabada shirka, shirkan oo kuwa la mid ah lagu qabtay London 2013, 2014 iyo shirkii ugu dambeeyay ee London.

Shirakkada International Research Network  qaban-qaabineysa shirkaa shirka Somalia Oil, Gas and Mining ee Nairobi loo balansan yahay March 2017-ka waxaa ay hadalkeeda ku soo gabagabeeyay in ay xiriir iyo wada hadal u socdo dowladda federaalka iyada oo ku rajo-weyn in shirka qabsoomid-doono.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka

Statement-from-International-Research-Ne

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this