Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuul Katirsan wasaarada Caafimaadka oo Gaarigiisa Qarax Loogu Xiray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay Qarax gaarigiisa loogu xiray masuul katirsan Wasaarada Caafimaadka xukuumada Soomaaliya.

Masuulkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xirsi ayaa gaari uu watay xili uu marayay wadda Makka Al-Mukarama ku qarxay waxaana gaaray dhaawac culus.

Dhaawaca Masuulkaan ayaa hadda lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Durba waxaa sheegtay qaraxaasi Al-Shabaab oo ku soo qoray warbaahinta iyaga taageera in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo isugu jiro ismiidaamin kuwo miinada dhulka lagu aaso iyo kuwa lagu soo xiro gaadiidka ay wataan dadka u shaqeeya dowlada Soomaaliya.

Laamaha amaan ka dowlada Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin qaraxaani ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Hoos ka dhagesyo Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke uu ka diyaariyay qaraxa 

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/War-Cowke-PP-Qarax-Muqdisho.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Masuul Katirsan wasaarada Caafimaadka oo Gaarigiisa Qarax Loogu Xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this