Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo qorsho cusub uga hortageysa miinooyinka ay Shabaabka ku aasan waddooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka gaashaamatay dhibaatooyinka ay maleeshiyaadka Alshabaab u maleegayaan ciidamada Qalabka sida ee isticmaala wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Xoogga ee ka howlgala Wasaarada Gaashandhigga ayaa noo xaqiijiyay in dowlada Federaalka loogu deeqay qalab ay ku baaran miinooyinka lagu aaso waddooyinka ay marayaan.

Waxa uu sheegay in qalabkaasi oo casri ah ay sheegayaan goobaha ay maleeshiyaadka ku aasan miinooyinka lagu qarxiyo gaadiidka, waxa uuna tilmaamay in qalabkaas lagu galbin doono ciidamada duulaanka ku ah goobaha ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

Qalabka ayaa la xaqiijiyay inay isticmaali doonaan kolonyada gaadiidka dagaal ee la marin doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose, oo la rumeysan yahay in maleeshiyaadka ay ku aasi doonaan miinooyin.

Dhinaca kale, Qalabkan ayaa waxaa loo sameeyay ciidamo gaara oo ku shaqeeya in ay dowlada ka qabsanayaan dhammaan goobaha ku jira gacanta shabaabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho 

Caasaimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this