Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Internet-ka oo muddo 4 maalmood laga jari doono magaalooyinka…

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa codsaday in gabi ahaanba Gobolada iyo degmooyinka maamulkaas hoos taga laga jaro internet-ka maalmaha lagu guda jiro codaynta iyo tirinta doorashada.

“Guddiga ayaa codsaday in internet-ka la jaro, iyagoo ka walaacsan xaalada dalka iyo qaabka wax u dhici karaan, runtii waa markii ugu horaysa saddex murashax oo saamaynta intaas le’eg ku leh bulshada Somaliland ay tartamaan taas ayaa walaaca keentay, ciidamada heegan ayaa la galiyay,” sidaas waxaa yiri qof xog ogaal ah oo magaciisa codsaday inaan la shaacin.

Shirkadaha Internet-ka bixiya iyo qaybaha ay khusayso ayaa la qaatay go’aankan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

“Waan qaadanay go’aanka Guddiga iyo tala soo jeedinta ay sameeyeen, waxaan sugaynaa marka ay noo soo diraan Email oo ay dhahaan jara internet-ka,” sidaas waxaa yiri mid kamid ah maamulka shirakaadka bixiya adeegaas oo ku sugan Hargaysa.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in qorshahan uu bilaaban doono Isniinta soo socota 13 Novermber, waxayna ku egtahay 17 Isla bishaan.

Muddo 4 cisho ah gabi ahaan lagama isticmaali doono deegaanada Somaliland wax internet ah, taasoo meesha ka saari doonta in la helo xogaha doorashada iyo qaabka wax u socdaan.

Lama oga in qorshahan ay la qaadan doonaan axsaabta siyaasadda Somaliland.

Waa markii ugu horaysay muddo intaas le’eg Internet-ku maqnaado Somaliland oo ka go’dey Soomaaliya inteeda kale 1991.

Qorshahan waxaa dadka wax odorasa sabab uga dhigayaan loollanka murashaxiinta iyo taageerayaashooda oo maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana tallaabada loo sameeyay iyadoo ay jirto Cabsi dhinaca amniga ah.

Marka ay dhammaato tirirnta codadka ayaa la filayaa in la sii daayo Internet-ka.

Lama oga xisbiga guulaysan doona, balse murashaxiinta madaxtooyada u tartamaya ayaa booqasho wali ku maraya gobollada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in maalinta Khamiista uu sameeyo iso soo baxiisii ugu dambeeyay magalaada Hargeysa halka xisbiga Wadani tageerayaashiisu ka banaanbaxeen Ceerigaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this