Deeq A. Posted November 7, 2017 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir khaasa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia kula qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha kala hadlay diyaar garowga ciidamada xoogga ee qeybta ka noqon doona dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saraakiisha si hordhac ah ugu sharaxay hanaanka la doonaayo inuu u dhaco howlgalka ay dowlada dooneyso inay kusoo afjarto Shabaabka. Waxa uu warbixino ka dhageystay Taliyayaasha Ciidanka iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ku saabsan Diyaar garowga ay wadaan Ciidanka ee maalmaha soo socda wajahaya Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale, waxa uu Saraakiisha ka dalbaday inay muujiyaan dulqaad Al-Shabaabna ay ka saaraan dhulka ay maamulaan ee Soomaaliya si looga hortago weerarada ka dhaca Muqdisho. Dhammaan magaalooyinka dalka ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow iyo Jawi colaadeed oo ay dhowrayaan Shacabka Soomaaliyeed, Gulafka Colaadeed ee ka taagan Dalka ayaa u muuqda mid ay u siman yihiin Shacab iyo Dowladd. Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
galbeedi Posted November 8, 2017 Every one will tell that there are more officers in Mogadishu than real soldiers. They all should leave Mogadishu. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Holac Posted November 8, 2017 Farmaajo enjoys being seen around military men, but I have not seen him do anything concrete to defend the people from the merciless Alshababis. Quote Share this post Link to post Share on other sites