Sign in to follow this  
Mooge

Obsiiye from Awdal resigned from Kulmiye

Recommended Posts

Mooge   

Maxamed_Cabdullaahi_Obsiiye_SL.jpg?resiz
 

Hargeysa (PP) ─ Wasiirkii Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland, Maxamed C/llaahi Obsiiye ayaa iska-casilay xilalkii wasiirnimada iyo midkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, wuxuuna ku sheegay sababta uu isku-casilay inuusan doonayn in codka shacabka Deegaankiisu ku dhaco meel aan munaasab ahayn. Is-casilaadda wasiirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in bishan ay Somaliland ka dhacdo doorashada madaxnimo ee maamulkaas, kaasoo ay ku tartami doonaan musharraxiin ka socda saddex xisbi.

 

“Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan ka baxay Guddiga ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, kaddib markii hawlihii xisbiga ay qof keliya u galeen gacanta, cid wax ka qabatana la waayay,” ayuu yiri Obsiiye. Sidoo kale, wuxuu hadlakiisa ku daray. “Waxaan kaloo cadaynayaa inaan gabi ahaanba ka baxay Xisbiga Kulmiye, kaddib markii aan ogaaday in codka shacabka deegaanka aan kasoo jeedo uu ku dhacayo meel aan munaasab u ahayn.”

 

Obsiiye ayaa mar uu ka hadlayay is-casilaadiisa wasiirnimo wuxuu yiri. “Ma jirto wax ceeb ah oo aan ka sheegayo Xukuumada iyo madaxweynaha, si wanaagsan ayaan u soo wada-shaqaynay intii aan xilka hayay, Waxaanan caddeynayaa inaan xilkaas ka tagay, kaddib arrimo dhawr ah oo Xisbiga Kulmiye iiga muuqday.” Dhanka kale, Wasiirka Xilka ka tagay ayay isku deegaan yihiin Musharraxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADANI Maxamed Cali, taasoo la doonayo in codka deegaanka musharraxa la mideeyo si aanay u Qaybsamin, waana sababta keentay is-casilaaddiisa.

 

Ugu dambeyn, Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maalmaha soo aadan ay sidan oo kale ay wasiirro dhawr ah oo ka tirsan xukuumadda Silaanyo ay xilalka iska-casilaan, inkastoo warkaas aanan imin idiin xaqiijin karin.

 

PUNTLAND POST

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this