Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Thaabit oo kulan looga hadlayey Amniga Muqdisho la qaatay madaxda ugu sareyso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku Qaabilay  Kku xigeenka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee xagga Nabadgelyada iyo Amniga & Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Amniga iyo sidii Muqdisho looga dhigi lahaa meel xasilooni isla markaasna laga hortago falalka ay sameenayaan Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato badan ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay qodobo badan oo ku aadan amniga Mudqdisho, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in si wadajir ah looga qeyb qaato amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankaas kadib Guddoomiyaha iyo labadaan mas’uul ayaa si wadajir ah u booqday Isgoyska 14 October oo ay ka dhacday Musiibadii weyneyd ee saameynta ku yeelatay dhammaan dadka Muqdisho, waxayna halkaas kusoo sameeyeen indha indheen saameyntii uu reebay qaraxaas iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa dhismaha guryaha burburay.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

23167640_10155273808567017_489896639652123244474_10155273808502017_693165858954523167758_10155273808497017_660228711009823231262_10155273808572017_7236993786995

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this