Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Degmada Bu’aale ku toogatay Rag ay ku sheegeen inay ahaayeen Basaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

150414185354-al-shabaab-super-tease.jpg?Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa Magaalada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe maanta ku toogtay Afar Rag ah oo ay kasoo qabteen qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya, kuwaasoo ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo.

Toogashada raggaan oo ka dhacday fagaare ku yaala Degmada Bu’aale ayay Al-shabaab isugu keeneen shacabka degmada, iyagoo sheegay in raggaan ay la shaqeynayeen ciidamada Itoobiya, iyagoo isla goobtaasna ku toogtay.

Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegtay inay qirteen raggan dambiyadii lagu soo oogay, isla markaana ay ciqaabtoodu tahay dil toogasho ah, iyagoo uga digay shacabka deegaannada a ka taliyaan in ruuxii fal noocaas lagu qabto lagu toogtay meel fagaare ah.

Afarta ruux ee Bu’aale lagu toogtay ayaa magacyadoodu kala ahaayeen; Cabdirisaaq Xaashi Cabaas, Cumar Cadar Cumar, Maxamed Aba-Mayoo iyo Mustaf Macallin Xasan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda Al-shabaab ay toogasho sidaan oo kale ah ku fuliyaan rag iyo dumar ay sheegeen inay basaasbiin u ahaayeen ciidamada dalka ku sugan iyo hay’adaha sirdoonka dalalka caalamka qaar ka mid ah sida Mareykanka.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaan ku toogtay deegaanada Koonfurta Somalia ee ay ka taliyaan haweeney ay ku eedeeyeen inay nin kale raacday iyadoo uu ninkeedu qabo, waxaana haweeneydaas lagu dilay dhagax illaa ay ka geeriyooto.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo Degmada Bu’aale ku toogatay Rag ay ku sheegeen inay ahaayeen Basaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this